DHAGEYSO:Dadkii laga soo musaafuriyay gobolka Sool oo Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay

0
353

Qaar Kamid Ah dadkii Soomaaliyeed ee gobolada koonfureed ka soo jeeday kuwaasoo dhawaan ay Soomaaliland ka soo musaafurisay magaalada laasacaanood ee gobolka Sool ayaa waxay soo gaareen gobolka galgaduud waxaana halkaas ku soo dhaweeya bulshooyinka deegaanka.
Bulshada magaalada Dhuusamareb ee Caasimada maamulka galmudug iyo maamulka magaaladaas ayaa Soo Dhaweyn U Sameeyay qaar ka mid Dadkii Dhawaan Soomaaliland Soo Raaftay gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laasacaanood.
Qaar ka mid dadka laga soo barakiciyay Laasacaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed ee ilaa markii la soo qaaday ku soo dhawaynayay deegaano kala duwan oo ay soo mareen.