Qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ee ismaamulka Garissa ayaa soo dhaweeyay xukun xabsi oo 35 sano ah oo ay maxkamadda dowlad deegaankaasi ku riday milkiilaha iyo maamulaha guud ee dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee Mwangaza ee ku yaalla magaaladaasi Xuseen Xasan Cali.
Garsoore Shadrack Okute ayaa sheegay inuu ku qancay caddeymaha loo soo bandhigay ee la xiriira dacwadda lagu soo oogay eedeysanaha oo ahayd inuu bishii 11-aad ee sanadkii 2021-kii arday faraxumeeyay isagoo baangad sita.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhacdadaasi ay dhibbanaha u soo jiiday ceeb iyo walwal maskaxeed.
Shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul insaanka ee Garissa ayaa arrintan ka hadlay waxayna bulshada ugu baaqeen in falalka noocani ah aan lagu dhameyn nidaam dhaqameedka loo yaqaano Maslaxada.
Waxaa sidoo kale xukunka maxkamadda soo dhaweeyay aabaha dhalay ardayga la faraxumeeyay oo sheegay inuu cadaalad helay.
Xukmanaha ayaa haysta muddo 14 cishe ah oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka la saaray.
Qareenka u doodayay eedeysanaha , Omanya Kohen ayaa dhankiisa sheegay inuunan ku qancin go’aanka maxkamadda oo ay racfaan ka qaadan doonaan.




