DHAGEYSO:Dadka u baahan gargaarka cunno oo ay tiradoodu kordhi karto

0
376

Maamulka qaran ee maareeya saameynta abaarta ee NDMA ayaa sheegay in marka la gaaro bisha Tobnaad ee sanadkan ay sare u sii kici karto tirada dadka u baahan gargaarka dhanka cuntada ah.
Waxaa hadda 23 ka mid ah ismaamullada wadanka macluul ku wajahaya ilaa 4 milyan oo qof.
NDMA ayaa sheegaysa in xaaladda abaarta ee 20 ka mid ah dowlad deegaannadan oo aynan roobabku ku badnayn ay sii xumaanaysa.
Tirada dadka u baahan caawimaadda cunno ayaa bisha soo socoto la saadaalinaya inay gaarto 4.35 milyan oo qof.
Ismaamullada ay abaarta saameysay waxaa ka mid ah Isiolo, Mandera, Samburu, Turkana, Wajeer, Laikipia, Marsabit ,Embu, Garissa, Kajiado, Kitui, Makueni, Meru, Narok, Nyeri, Tharaka Nithi, Taita Taveta, Tana River, Kwale ,Kilifi ,Baringo, West Pokot, iyo Lamu .
Sidoo kale waxaa ismaamulladan laga soo tabiyay xaalad nafaqo darro oo baahsan .
Carruur ay da’doodu u dhexeyso 6 ilaa 59 bilood ama ka hooseeya 5 sano oo tiro ahaan dhan 884,464 ayaa wajahaya nafaqo darro.
Tirada hooyooyinka uurka ah ama ilmaha nuujinaya ee xaaladdan ku jiro ayaa gaaraya 115,725.
Qaar ka mid ah xoolo dhaqatada Isiolo ayaa sheegaya in noloshoodu ay halis ku jirto maadaama ay abaarta ku leedheen xoolihii ay ku tiirsanayeen.