DHAGEYSO:Dadka ku dhintay Qarixii Shalay ka dhacay Shabeelada hoose oo korortay

0
706

Tirada dadkii ku dhintay qarax miino ee shalay ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcadee gobolka shabeelada dhexe ayaa lagu soo Waramayaa inay gaartay ilaa 24 qof oo dhamaantood ahaa dad shacab oo Saarnaa Gaari Caasi ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho kuna sii Jeeday Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii dhaawac ahaanta loo geeyay Isbitaalka Magaalada jowhar ayaa lagau soo waramayaa inay dhaawacyadii u dhinteen.
Gudoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey iyo gudoomiayah Gobolka Shabeellada dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa booqday isbitaalka Jowhar oo ay dhaawacyadu ku jiraan waxayna sheegeen inay Murugada la qaybsanayaan qoysaska Soomaaliyeed ee Musiibadaan ay Saamaysay.