DHAGEYSO:Dacwad ka dhan ah in madaxweynaha uu saxiixo hindise sharciyeedka maaliyadda oo maxkamadda la geeyay

0
478

Koox qareenno ah ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ay uga soo horjeedaan in madaxweynaha dalka William Ruto uu qalinka ku duugo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee uu baarlamaanka shalay meel mariyay.
Waxay ku doodayaan in dadweynaha aan arrinkan sida habboon looga qayb gelin.
Qareennada ayaa kala ah Kibe Mungai, Ndegwa Njiru, Peter Koira, Lempaa Suiyianka iyo ururka qareennada ee Bartamaha dalka.
Waxay doonayaan in madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ay soo magacawdo guddi ka kooban 5 garsoorayaal oo dacwaddan dhageysan kara.
Dhanka kale , qaar ka mid ah shacabka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dadweynaha dhageysto oo uunan ansixin hindise sharciyeedka maaliyadda.

Barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa cambaareysay qaabkii ay shalay ciidamada booliiska uga falceliyeen mudaaharaadyada .
Waxay sheegtay in dowlad deegaankaasi lagu dhaawacay ilaa 8 qof.