Waxaa lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah huteellada iyo goobaha laga cunteeyo ee ismaamulka Mombasa ay hakiyeen howlahoodii ka dib markii ay saameeyeen biyaha daadadka kuwaasoo xarumahaasi gudaha u galay.
Milkiilayaasha xarumahan ayaa arrinkan walaac ka muujiyay.
Waxay sheegeen inay dantu ku qasabtay inay macaamiishooda u wareejiyaan goobo kale ama ay xarumaha xiraan maadaama ay biyaha daadka ka buuxsameen meelaha baabuurta lagu baakimo.
Mid ka mid ah ganacsatadan oo warbaahinta la hadashay ayaa dowladda dhexe iyo ismaamullada ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa waddooyinka ay daadadku xireen.