DHAGEYSO:Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo u dabaal dagaya 62 guuradii aas-aaskooda

0
517

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxay u dabaal dagayaan sanad guurada 62 aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12 bishii April ee sanadkii 1960-kii.
Madaxweynaha Jamhuuriyada fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ciidamada xoogga wuxuuna u rajeeyay inay guul iyo hormar dhinacyo badan leh.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 62-aad oo ku beegan markii la Aas’aasay oo Maanta ay Ciidamadu u dabaal degayaan.
Waxaa uu bogaadiyay Ciidamada qaranka ee horfadhiya cadawga, habeen iyo maalinna dhiigoodana u shuba si ay u difaacaan qarannimada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Clidamada Qalabka ay yihiin hay’ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqti ka dhamaan, oo haysto mandate furan inta uu jiro qaran soomaaliyeed.
Wasiir Cabduqaadir ayaa ka codsaday Ciidamada & taliyeyaashooda in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana foojignaadaan ku milanka siyaasadaha is didan ee waqtiga la dhammaan doona, isla markaana ay ka fakaraan waajibka qaran oo ah in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada loogu yeero.
Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee kala shaqeeya tayeynta iyo dhismaha Ciidamada qaranka.

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota munaasabad loogu dabaal degayo 62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb galaya Madax kala duwan ee dowlada Soomaaliyeed ka tirsan.
Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, ayaa loo xiray dabaal-daga sanad guurada aas-aaska ciidanka qaranka Soomaaliyeed wadooyinkaasi oo aan loo ogolayn inay gaadiidku isticmaalaan.
Waddooyinka xiran waxaa kamid ah Maka-Almukarama, Wadnaha, 30-ka,Warshadaha iyo Guud ahaan waddooyinka gala Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka socoto munaasabad lagu xusayo 62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madax kale oo dowlada ka tirsan, waxaana si weyn loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga wasaarada difaaca.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna sheegay in Maalintaan ay tahay maalin kuweyn Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa Ciidamada ugu baaqay inay ka dhabeeyaan hadafkooda ah ka hortegida Argaagxsada, isla markaana ay awoodooda isugu geeaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen ooy dalka uga xorayn lahaayeen.