DHAGEYSO:Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo bajaajle ku dilay Muqdisho

0
351

Dhacdooyin is xig xiga oo midna lagu dilay midna lagu dhaawacay darawallo Mooto Bajaaj ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho
Waxaa dilaalkaasi ka dambeyaay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxaa goobihi dilalka ay ka dhaceen isugu soo baxay shacab iyo darawallada mooto bajaajta oo ka careysan dilkaasi.
Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay aaga isgoyska Zoobe, kuwaas oo dibadbax cabasho ah dhigay, iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.
Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in la soo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, looguna qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Dilalka loo gaysto wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa soo ku soo batay muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho, mana jirto cid loo soo qabtay, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.