Qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha ka howlgala isbitaallada ismaamulka Nakuru ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan dil loo gaystay mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka oo halkaasi ka howlgalayay.
Laban Lang’at, oo ahaa dhakhtar tijaabo caafimaad ka sameynayay isbitaal ku yaalla dowlad deegaanka Nakuru ayaa meydkiisa laga helay goobta biyaha wasaqda maraan ee xaruntaasi.
Dhakhaatiirta dibadbaxa dhigay ayaa doonaya inay ogaadaan sababta loo dilay Laban Lang’at
Waxaa ay ku hanjabeen in haddii muddo 24 saacadood aanan jawaab la siinin ay dhigi doonaan qalabka ay ku shaqeeyaan.
Qaar ka mid ah dhakhaatiirta dibadbaxa dhigay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.