Waxaa xerada qaxootiga ee IFO shalay galab lagu qabtay canug yar oo loo maleynayo in la soo xaday oo da’diisa lagu qiyaasay hal sano iyo bar.
Qof dumar ah ayaa la sheegay in laga riday canugan yar oo wiil ah kaasi oo ilaa hadda lagu hayo xerada IFO.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in canugga yar la dhigay meel tuubo ah oo biyaha laga cabbo oo dumar badan ay joogeen ka dib markii uu canugga aad u ooyay ayay haweenka kale ka war heleen in halkaasi looga tagay.
Ka dib baafin laga sameeyay gudaha xerada qaxootiga ee IFO ma jirto cid weli sheegatay ilmahaasi yar waxaana warbaahinta Star la hadlay qaar ka mid ah bulshada xerada IFO iyo haweenkii canugga soo qaaday oo uu weli gacantooda ku jiro.