DHAGEYSO:Cali Jeyte “Ciidamada Jabuuti waxa ay burburiyeen fariisin muhiim ah oo ciidanka dowladda ay gali waayeen”

0
514

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Jiciboow halkaasi oo uu ka dhacay dagaal u dhexeyay ciidamada dowladda, dadka deegaanka oo dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay taliska ciidamada ee hoggaaminayay dagaalada halkaasi ka dhacay.
Taliyaha guutada 5-aad qaybta 27-aad ee militeriga dalka Soomaaliya korneyl Maxamuud Xasan Baakay oo gobta ka hadlay ayaa sheegay in khasaare xooggan ay gaarsiyeen Al-Shabab.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa isna sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Axmad Saney ayaa ku baaqay In dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ay si wadajir ah uga soo qayb qaataan shacabka Soomaaliyeed si gaar ah kuwa ku nool Hirshabeelle.