DHAGEYSO:Cabdi Xaashi oo sheegay inta qabaa’il wax lagu dhisayo aysan Soomaaliya dowlad noqoneen

0
618

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xalay ka qayb galay munaasabad lagu bogaadinayay guddiyadii ka soo shaqeeyay doorashadii dalkaasi ayaa sheegay inta qabaa’il wax lagu dhisayo aysan Soomaaliya dowlad noqoneynin.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud horrayna soo noqday madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya uu dalka xog ogaal u yahay islamarkaana wixii horraan ka khaldamay uu hadda sixi karo.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu dambeyn sheegay in aan dib loo noqon islamarkaana horay loo socdo.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya