DHAGEYSO:Cabdi Xaashi oo kursiga koobaad ee aqalka sare ee gobollada waqooyi lagula tartamayo

0
447

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay in kursiga koobaad ee Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ee Somaliland uu guddoomiye Cabdi Xaashi kula tartami doono musharrax Saciid Cumar Xuseen.
Mahdi Maxamad Guuleed ayaa sheegay in go’aankaasi ay gaareen ka dib markii ay dhagaysteen talo jeedinta odayaasha deegaanka ee kursigaasi, dhanka kalana ay tixgaliyeen muhiimadda ay leedahay in la tartamo.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee Soomaaliland ay ka biyo diideen in kursiga koobaad lagu qoro in guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu kaligii u tartamo.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya