DHAGEYSO:Cabasho lagu muujiyay koronto la’aan ku hubsatay xaafado ka tirsan deegaanka Dadaab

0
173

Qaybo ka mid ah xaafadaha deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa in muddo ah koronto la’aan ka jirta, ka dib markii ay cilad soo wajahday adeeggii korontada ee xaafadahaasi.
Dadka deegaanka oo ay koronto la’aanta saameysay ayaa cabasho ka muujiyay muddada ay korantada ka maqan tahay.
Waxaa ay sheegeen in khasaaro dhaqaale kala kulmeen koronta la’aanta.
Dadka deegaanka ayaa baaq u direen mas’uuliyiinta laga soo doortay deegaankaasi iyo waaxda adeegga korantada dalka ee KPLC.