DHAGEYSO:Burcad weerartay guriga xoghayihii hore wasaaradda beeraha ee dalka

0
210

Waxaa lagu soo warramayaa in burcad ay weerartay guriga xoghayihii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka Richard Lesiyampe ee ismaamulka Samburu.
Burcadda weerartay guriga mas’uulkan hore ayaa dooneysay inay neefaf lo’ ah iyo Ari ay ka dhado.
Hasa ahaate waxaa falkan ka hortagay ciidamada keydka oo goobta ka ag dhawaa.
Dhanka kale, waxgaradka ismaamulka Samburu iyo dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyey falal amni darro oo deegaannadaasi ku soo noqnoqday.
Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen inay qaado tallaabooyin lagu sugaya ammaanka oo lagu xaqiijinaya badqabka shacabka iyo xoolahooda.