DHAGEYSO:Burcad dhacay xoolo badan, sidoo kalena haweeney 50 sano jir ku kufsaday Isiolo

0
762

Dadweynaha ku nool deegaanka hoose Ngaremara ee ee waqooyiga ismaamulka Isiolo ayaa waxay dowladda ku eedeeyeen dayacaad dhanka amniga ah, ka dib markii maalin cad la kufsaday haweeney deegaankaas ku nool, islamarkaana la afduubtay.
Haweeneyda oo da’adeyda lagu sheegay 50 sano jir ah ahna hooyo haysata lix caruur ah, ayaa waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad hubaysan.
Wararka ayaa sheegaya in burcadda ay haweeneydan u gaysteen gobodfallo ka dhan ah kufsi iyo afduub.
Haweenyda ayaa dhibatadaan loo gaystay xilli ay kuguda jirtay gubidda geedo oo ay dhuxusha ka sameyso.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la dhacay xoolo isugu jiro 25 lo’ ah iyo in ka badan 700 oo neef oo ari ah, intii lagu guda jiray weerarka ay burcadda soo qaadday.
Burcadda ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan ismaamulka Samburu oo daris la ah dowlad deegaanka Isiolo.
Dadka deegaanka ayaa hay’adaha ammaanka ku eedeeyeen wax qabad la’aan, iyadoo burcadda ay dhaca ka gaystaan xadka ay wadaagaan ismaamullada Isiolo iyo Samburu.
Hasa ahaate guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Isiolo Geoffrey Omonding ayaa beeniyay sheegashada ah in haweeney la afduubtay.
Waxaa uu ku dooday in uu maqlay oo kaliya wararka ku saabsan fal kufsi ah iyo xatooyo xoolo.
Waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka ay ku daba jiraan burcadda, islamarkaana ay dib u soo celin doonaan xoolihii la dhacay.
Dadka deegaanka ayaa ku hanjabay in ay mudaaharaad ka sameyn doonaan waddada wayn ee xiriiriso magaaloyinka Isiolo iyo Moyale haddii aan dib loogu sooc celin xoolihi laga dhacay.
Mar ay arrimahan ka hadleen ayaa waxa hadalladoodi ka mid ah