Ciidamada Boliiska dowlada fedraalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta Galbeed ayaa xalay waxay toogasho ku dileen nin la sheegay inuu ka tirsanaa AL-shabaab oo muwaadin ganacsade oo caan ahaa ku dilay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Taliyaha qaybta galbeed ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle dhexe yaasiin ganeey ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdadaan iyo howlgalo kale oo ka danbeeyay kuwaasoo ciidanka booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen aagii dilku ka dhacay wuxuuna sheegay inuu ninka dilka gaystay gudaha u galay guri ay reer Soomaaliyeed daganaayeen oo caruur ku jirtay ciidamada amaankunaay ka soo badbaadiyeen caruurtaas.




