Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ay gacanta ku soo dhigeen laba Qarax oo la soo saaray Mooto Bajaaj.
Waxaa uu sheegay in ciidanka booliska ay qaraxyadaan ka soo qabteen degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose sidoo kale ay gacanta ku hayana labo eedEysane oo mootadaasi la socday kuwaasoo dhawaan maxkamadda la hor keeni doono.