DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo digniin u diray shaqsiyaadka biraha duuga ah dhoofiya

0
746

Taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha booliska Soomaaliya Gen C/laahi Xassan Bariise oo kormeeray goobaha laga dhoofiyo biraha duugoobay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay waayadii danbe soo ifbaxeen dad dhoofinaya agabka shirkadaha isgaarsiinta iyo korontada.
Wuxuu sheegay in kadib markii shirkadahaan ay cabasho u soo gudbisteen ay soo saareen awaamiir ku socota dadka biraha duuga dhoofiyo loogana digayo inay agabka la isticmaalayo gaar ahaan kuwa shirkadaha isgaarsiinta iyo korontada xadaan.
Cidkasta oo arimahaan ku howlan ayuu sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.