Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nakuru u qabtay muddo kama dambeys oo 48 saacadood ah si ay gacanta ugu soo dhigaan shakhsiyaad dab qabadsiiyay hooyga guddoomiye xaafadeedka Kamwere.
Dhacdadan ayaa deegaan baarlamaneedka waqooyiga Kuresoi laga soo tabiyay labo toddobaad ka hor.
Wasiirka ayaa sheegay in guddoomiyaasha tuulooyinka ama xaafadaha iyo ku xigeenadooda ay kaalin wayn ka qaataan adeegyada dhanka maamulka ee ay dowladda dhexe u fidiso dadweynaha.
Dr.Matiang’i ayaa xusay in marnaba aan la oggolaan doonin in la bartilmaameedsado mas’uuliyiinta u adeegaya shacabka oo aan lala xisaabtamin cidii falkaasi gaysatay.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta tagay tuulada Kamwere ee Nakuru isaga oo saraakiisha ammaanka ugu baaqay in ay iska kaashadaan sidii loo soo qaban lahaa dambiilayaasha.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Dr. Matiang’i ku sheegay in laamaha ammaanka ay ku heshiiyeen in iyaga oo kaashanaya bulshada la cirib tiro burcadda ku howlan dhibaatooyin ay ka mid tahay faraxumeynta gabdhaha yaryar.
Waxaa uu intaasi ku daray in badqabka carruurta ay tahay arrin aad muhiim u ah oo aan marnaba laga gorgortami karin.