DHAGEYSO:Booliska Nakuru oo dilay 4 burcad ah

0
599

Taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru Peter Mwanzo ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal amni oo ay xalay fuliyeen lagu dilay 4 burcad ah.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan ay ahaayeen xubnaha koox loo yaqaano Nyuki oo ka tirsan kooxda burcadda ee Confirm ee dhibaatooyin u gaysatay dadweynaha Nakuru.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay howlgalka xalay ku soo qabteen hub ay burcaddu u adeegsanaysay falal dambiyeedyada.
Peter Mwanzo ayaa carrabka ku adkeeyay inay rumeysan yihiin in shakhsiyaadka ay ciidamada ammaanka toogteen ay dhawaan dileen haweeney meydkeeda la helay.