DHAGEYSO:Booliska Mombasa oo xiray 140 qof oo burcad ah

0
925

Booliiska ismaamuka Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa gacanta ku dhigay 140 qof oo looga shakisan yahay inay gaysteen falal xatooyo ah.
Waxaa tuhmanayaashan ka mid ah 10 burcad ah oo gaysatay falal dhac ah oo kala duwan.
Kooxahan burcadda ah ayaa la sheegay inay cabsi ku abuureen ganacsatada magaalada Mombasa.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Mombasa Maxamad Nuur oo ka hadlay qabashada eedeysanayaasha ayaa sheegay in sidoo kale lagu soo qabtay daroogada nooca Xashiishka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in cunnooyinka bilaashka ah ee la bixiyo la joojin doono taasi oo keentay in ay kordhaan falalka burcadnimo.