Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kajiado ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 48 kartoon oo ay ku jireen khamriga sharci darrada.
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay qabteen daroogada nooca Xashiishka.
Taliyaha booliiska ee bartamaha Kajiado John Odhiambo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xog ka heleen dadweynaha ka dibna ay howlgalka sameeyeen.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay shakhsiyaadkii daroogada waday.
Waxaa uu shacabka uga digay isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka la soo wadagaan xogaha ay hayaan si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah khamriga sharci darrada ah.
Dhawaan ayay ahayd markii dhacdo laga soo tabiyay ismaamulka Kirinyaga ay ku nafwaayeen 13 qof oo khamri isticmaalay.