Saraakiisha waaxda dambi baarista ee Koonfurta ismaamulka Tharaka Nithi ayaa xabsiga ku haaya labo ka mid ah ciidamada booliska .
Waxaa askarta looga shakisan yahay inay qayb ka ahaayeen fal dhac ah oo awood loo adeegsaday kaasoo toddobaadkii hore laga gaystay dowlad deegaanka Tharaka Nithi.
Saraakiisha ayaa lagu kala magacaaba John Lekidayo iyo Kelvin Kinyua.
Waxay labaduba ka howlgalaan saldhigga booliska ee magaalada Nkubu, ismaamulka Meru.
Taliyaha saldhigga booliska ee deegaan baarlamaneedka Koonfurta Imenti ee ismaamulka Meru, Cabduul Muusa ayaa laga soo xigtay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in goobta xatooyada laga soo tabiyay lagu arkay baabuur la rumeysan yahay inuu leeyahay mid ka mid ah saraakiisha ammaanka ee la xiray.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in askarta ay saldhigga booliska kala soo tageen qoriga nooca AK47 iyagoo aan caddeyn shaqada ay soo qabanayaan.
Taliye Cabduul ayaa carrabka ku adkeeyay inay haystaan toban cisho oo baaritaannada ay ku soo gabagabeynayaan si eedeysanayaasha loo maxkamadeeyo.
TWO COPS BEHIND BARS FOR ROBBERY
Detectives based at DCI Tharaka South are holding 2 police officers, suspected to have been involved in a robbery incident on Thursday morning. The two, sergeant John Lekidayo and constable Kelvin Kinyua, both based at Nkubu police station
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 16, 2022