Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay wiil ka mid ah saddex dhallinyaro oo fal tacaddi ah degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ugu gaystay gabadh taasi oo muuqaal laga duubay lagu baahiyay baraha bulshada.
Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay Muqdisho ku qabteen wiilka oo ka mid ahaa saddexda dhallinyarada ee falka u gaystay gabadha oo 20-sano jir ah.
Afhayeenka booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha laga soo qabtay degmada Waaberi, ayna soo qabashadiisa iska kaashadeen Taliska Booliska dowladda iyo kuwa Baardheere.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay ku dadaalayaan sidii loo soo qaban lahaa labada eedeysanayaal ee kale.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Booliska soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in la soo qabtay askari ka tirsan ciidanka Booliska oo gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah, isagoo xusay in sharciga la horgeyn doono.