DHAGEYSO:Booliiska oo kala eryay dibadbaxayaal isugu soo baxay ismaamullo dhowr ah

0
438

Ciidamada booliiska ee dalka ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday inay ku kala eryaan shacab isugu soo baxay ismaamullo ay ka mid yihiin Nairobi, Kisii, Mombasa iyo Kisumu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr qof lagu xiray waddada Harambee Avenue ee magaala madaxda wadanka.
Booliiska ayaa adkeeyay amniga guud ahaan wadanka ka dib markii hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay horay u shaaciyeen inay maanta fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi ay ku qaban doonaan isku soo bax dadweyne ka hor inta aan dhammaan dowlad deegaannada wadanka laga sameyn mudaaharaadyo.
Dibadbaxayaasha oo qaar ka mid ah ay waddooyinka ku gubayeen taayarro ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo tallaabadii lagu ansixiyay xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Waxyaabaha ay dadweynaha walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in qiimaha canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahaa boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.
Mucaaradka ayaa hoosta ka xarriiqay in dibadbaxyada qaran looga gol-leeyahay in maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu ka laabto xeerka maaliyadda ee Finance Act 2023.
Sidoo kale taageerayaasha isbeheysiga Azimio ee deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi ayaynan u suuragelin inay gudaha u galaan caasimadda.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale kala eryay dhallinyaro taayarro ku gooyay kuna gubay waddada Thika Road taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka.
Dhallinyarada ayaa la soo tabiyay inay dhagaxaan ku tuurayeen gaadiidleyda saaka waddadaasi adeegsanayay .
Waxaa falkaasi cambaareeyay senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei oo sheegay in taasi ay u dhiganto carqaladeyn dhaqaale .
Waxaa uu senatarka xusay in haddii loo baahdo booliiska laga doonaya inay baajiyaan dibadbaxyada oo ay si aan naxariis lahayn ula tacaalaan dadka sharciga jebinaya iyagoo xiraya kuwa soo qaban qaabiyay isku imaatinka.
Dibadbaxyada maanta ka dhacay Kisumu waxaa hor kacayay barasaab ku xigeenka ismaamulkaasi Dr. Mathews Owili, xildhibaanka deegaanka Nyakach Aduma Owuor , dhigiisa deegaanka Seme James Nyikal iyo qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Sidoo ardayda dhigta jaamacadda ee ismaamulka Kisii ayaa maanta hoggaamiyay dibadbaxyo iyagoo xiray waddooyinka muhiimka ah halkaasi oo ay taayarro ku gubayeen waxaana markii dambe ku soo biiray shacabka sida wadayaasha mootooyinka.
Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio oo uu hor kacaya Raila Odinga ayaa dadweynaha kula hadlay garoonka Kamkunji waxaana Mr. Odinga hadalladiisa ka mid ahaa.

Tallaabooyinkan ayaa loogu magac daray Saba Saba oo lala barbardhigaya 7-dii bishii toddobaad ee sanadkii 1990-kii xilligaasi oo ay dalka ka dhaceen dibadbaxyo ay shacabka ku dalbanayeen doorasho dimuqraadi ah.
Waxaa xilligaasi dibadbaxyada soo qaban qaabiyay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Kenneth Matiba iyo Charles Rubia oo la xiray iyadoo loo halgamayay nidaamka xisbiyada badan ee loo yaqaano Multiparty system oo hadda dalka ka jiro.