DHAGEYSO:Booliiska Kisumu oo gacanta ku dhigay nin dilay xaaskiisa, wiil uu dhalay iyo labo qof oo qaraabo la ahaa

0
275

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisumu ay gacanta ku dhigeen nin looga shakiisan yahay inuu dilay xaaskiisa, wiil uu dhalay iyo labo qof oo qaraabo la ahaa.
Eedeynsanaha oo lagu magacaabo Shem Akuku Atieno ayay booliiska gacanta ku soo dhigeen xalay fiidkii.
Waxaa uu haatan ku jira saldhigga booliiska Chemelil ee deegaan baarlamaaneedka Muhoroni ee ismamulka Kisumu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanaha uu maalin ka hor baxsaday ka dib markii uu falkan gaystay.
Saraakiisha booliiska ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha uu isku dayay inuu isdilo ka hor inta aan la xirin.
Waxaa lagu wadaa in dhawaan maxkamad la soo taago.
Dadka deegaanka oo ka hadlay dhacdadan ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.