DHAGEYSO:Booliiska oo billaabay baaritaano la xiriira dhimashada 6 qof oo aroos ka qayb galayay oo uu ceel ku dumay

0
323

Ciidamada booliiska dalka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano lagu ogaanayo sababta keentay inuu dumo ceel ay biyo ku keydsanaayeen ee deegaan baarlamaaneedka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Dhacdadan waxaa ku nafwaayay 6 qof oo aroos ka qayb galayay.
Baaritaano hor dhac ah oo ay sameeyeen laamaha ammaanka ayaa muujinaya in lixda qof ee geeriyootay ay ku dul ciyaarayeen goobta ay biyaha ku jireen taasi oo sababtay inuu la dumo
11 qof ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka kuwaas oo musiibadan dhaawacyo ka soo gaartay.
Waxaa sidoo ka dhacdadan waxyeelo ka soo gaartay carruur yar.
Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta ugu warramay sida ay wax u dhaceen.