DHAGEYSO:Booliiska oo berri xaqiijin doono amniga dibadbaxayaasha

0
326

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay sugi doonaan amniga shakhsiyaadka ka qayb qaadanaya dibadbaxyada la filaya in ay berri qabsoomaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ay ka madax bannaan yihiin saameyn siyaasadeed balse aynan marnaba ka gaabin doonin in ay sida habboon uga soo baxaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badqabka shacabka iyo hantida dadweynaha.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay tallaabo adag oo dhanka sharciga ah ka qaadi doonto dambiilayaasha isku daya in ay ka faa’iidaystaan mudaaharaadyada.