DHAGEYSO:Booliiska Nairobi oo kala eryay dibadbaxayaal ka soo horjeeda hindise maaliyadeedka

0
446

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaal isugu soo baxay bartamaha caasimadda dalka oo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan hidnise maaliyadeedka sanadkan.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin in aan la ansixin hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024, oo lagu wado in galabta baarlamaanka dalka loo bandhigo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.