DHAGEYSO:Booliiska Machakos oo baaraya dhacdo uu isku dilay qof la soo xiray

0
404

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Machakos ayaa billaabay baaritaano ku aaddan sida ay ku suuragashay iyo sababtii ka dambeysay in uu is dilo mid ka mid ah howlwadeennada gaadiidka dadweynaha oo ay gacanta ku soo dhigeen saraakiisha maamulka hoose ee Machakos.
Ninka is dilay ayaa laga soo qabtay boosteejada baabuurta laga raaca ee Machakos .
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay ahayd markii saddexaad oo ay saraakiisha maamulka hoose qabteen qofkaasi naftiisa ka takhalusay.

Waxaa dhacdadan xaqiijiyay madaxa shaqaalaha ee ismaamulka Machakos Lawrence Ngovi oo dadweynaha ugu baaqay in ay deganaansho muujiyaan inta baaritaannada laga soo gabagabeynaya.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Machakos , Muya Ndambuki ayaa dhankiisa sheegay in shaqada laga istaajiyay sarkaalkii soo xiray qofka is dilay oo maydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhiga ee isbitaalka wayn ee dowlad deegaanka Machakos.