Taliyaha ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisii Charles Kasses ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan saraakiisha sida militariga u tababaran ee GSU-da oo la soo tabiyay inay isku hareereeyeen xafiiska barasaabka dowlad deegaankaasi Simba Arati.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan loo faahfaahin sababta ciidamada GSU-da halkaasi loo geeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in aan marnaba la cabsi gelin karin oo uu shacabka Kisii u qabanaya shaqooyinkii hoggaamineed ee ay u soo doorteen.
Hasa ahaate taliyaha booliiska ee ismaamulkaasi oo barasaabka kula hadlay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee DCI-da xilli uu halkaasi tagay ayaa sheegay in ciidamada oo laga kala keenay qaybaha gobolka Nyanza inay magaalada Kisii ku hor leeyihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ay fagaaraha Gusii stadium oo uu ku yaallo xafiiska barasaabka ay u tageen inay halkaasi ku nastaan ka hor inta aynan ka qayb qaadan howlgal.
Charles Kasses ayaa xusay in ciidamadan aynan ka warqabin in xafiiska guddoomiyaha Kisii Simba Arati inuu halkaasi ku yaallo.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha aynan marnaba doonayn inay barasaabka cabsi geliyaan ama ay dhibaateeyaan.
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen falal amni darro iyadoo qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ay sheegeen in xafiisyada saraakiil gacanta uga dhigay mootooyinka ay ku yaallaan xarunta dhexe ee dowladda ismaamulka Kisii.
Dhanka kale xisbiga mucaaradka ee ODM oo uu ka tirsan yahay barasaabka Kisii Simba Arati ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay tallaabada ciidamada GSU-da lagu geeyay hareeraha xafiiska guddoomiyaha.