Booliiska degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen oo ay xabsiga ku jirto haweeney lagu eedeeyay inay duleedka degmadaasi dil ugu gaysatay haweeney kale.
Madaxa waaxda dambi baarista degmada Beledxaawo idirsi Aadan Nuur ayaa dhacdadaan faahfaahin ka siiyay warbaahinta.




