Beeraleyda deegaanka Taveta ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay ku soo biiraan wax soo saarka beeraha.
Waxay sheegeen in tani ay xallin karto shaqo la’aanta ay wajahayaan dhallinyarada dalka.
Beeraleydan oo uu hor kacaya Joseph Mwachie ayaa dhanka kale dowladda ka codsaday in ay ka caawiso sidii beerahooda oo soo saara mooska ay ugu heli lahaayeen biyo ku filan oo ay ku waraabiyaan.