Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa caddaalad darro ku tilmaamay go’aan shalay ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka .
Go’aankaasi ayaa ahaa in Sonko iyo xubnaha qoyskiisa laga mamnuucay inay tagaan Maraykanka maadaama lagu eedeyay inuu qandaraasyo dowladeed siiyay shakhsiyaad ay aad isugu dhow yihiin isagoo laaluush ka qaatay inuu uu ahaa barasaabka caasimadda dalka.
Hasa ahaate Mike Sonko ayaa eedeyntaasi ku sheegay mid waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay inuunan weli fahmin sababta isaga keliya iyo qoyskiisa loo bartilmaameedsaday maadaama ay jiraan mas’uuliyiin badan oo horay musuqmaasuq loola xiriiriyay balse aan weli laga mamnuucin inay u safraan Maraykanka.
Barasaabkii hore ee Nairobi ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka dowladda Maraykanka uu yahay mid aan siyaasad ka marnayn maadaama uu ku soo beegmay ka dib markii uu shaaciyay inuu mar kale u tartami doono jagada guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ee horay looga xayuubiyay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Barasaabkii hore ee Nairobi oo caddaalad darro ku tilmaamay go’aan ka dhan...