DHAGEYSO:Barasaabka Siaya oo xildhibaannada ka codsaday inaynan ansixin hindise maaliyadeedka

0
235

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa xildhibaannada baarlamaanka kula taliyay inay tixgeliyaan qaylo-dhaanta kenyaanka oo aynan ansixin hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023.
Mr.Orengo ayaa sheegay in canshuur bixiyeyaasha ay wajahayaan culeys sidaasi awgeedna meel marinta qorshaha maaliyadeed ee dowladda dhexe ay shacabka u horseedi karta nolol adag.
Barasaabka oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Gem ayaa ku celceliyay in muwaadiniinta ay xilligan garab uga baahan yihiin mudanayaasha golaha qaran ee xeer dejinta sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aan dhabarka loo duwin cabashada dadweynaha.
Dhanka kale wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Eugene Wamalwa, barasaabkii hore ee Kakamega Wycliffe Ambetsa Oparanya iyo xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Budalangi Raphael Wanjala ayaa xildhibaannada ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa ansixinta hindise maaliyadeedka muranka dhaliyay.