DHAGEYSO:Barasaabka Siaya oo ka hadlay sharci beddelka la soo jeediyay

0
294

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya, James Orengo ayaa ka hadlay soo jeedin ka timid madaxweynaha dalka William Ruto taasoo loo bandhigay baarlamaanka.
Ruto ayaa doonaya in isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka si loo soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka iyo in sidoo kale la sharciyeeyo sanduuqa horumarinta deegannada ee CDF.
Hasa ahaate garyaqaan sare , James Orengo ayaa xusay in isbeddelkan uu dhaqangeli karo marka la qabto afti dadweyne.

Waxaa fikirkan Orengo ku taageeray xildhibaanka deegaanka Rarieda, Otiende Amollo oo sheegay in kastoo soo jeedinnada madaxweynaha ay yihiin kuwo wanaagsan haddana shacabka laga doonaya inay si dhow ula socdaan si baarlamaanka uunan u fulin dano shakhsiyadeed.