DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo ka hadlay xilliga la furaya suuq cusub

0
344

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa shaaciyay in dhammaadka bishan Tobnaad la furi doono suuqa dhawaan la dhisay ee Wakulima Market oo ku yaalla waddada Kangundo road.

Sakaja ayaa sheegay in ganacsatadii ku shaqeysanayay goobta baabuurta la dhigo ee bannaanka suuqa la siin doono meel ay ku shaqeystaan oo dhismaha gudihiisa ah.
Dhisidda suuqan ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 800 oo milyan oo shilin waxaana loogu talagalay ganacsato ku barakacay mashaariic lagu ballaarinayay waddooyinka Kangundo ,Mtindwa iyo Dagoretti.
Barasaabka caasimadda waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ganacsatada ay iska dhex dooran doonaan saraakiil qaabilsan maareynta suuqa.
Waxaa uu xusay in xafiisyada wakiilka hoose iyo maamulaha deegaankaasi laga hirgelin doono xarunta suuqa.
Johnson Sakaja waxaa socdaalka uu ku tagay suuqa Wakulima ku wehelinayay mudanaha deegaanka bartamaha Embakasi Mark Mwenje oo madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dedejiyo bixinta lacagaha ay dowladdu ballanqaaday in lagu garab istaagi doono ganacsatada yaryar.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa xilligii uu ku guda jiray ololihii doorasho ee bishii Siddeedaad ee sanadkan ballanqaaday in haddii la doorto uu dhisi doono 20 suuqyo cusub ah.
Waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in maamulkiisa uunan burburin doonin suuqyada ama saraakiisha dowladda hoose aynan waratada ka eryi doonin meelaha ay ka shaqeystaan.