Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay inuu toddobaadkan kulan la qaadan doono taliyaha guud ee booliska wadanka ee dhawaan la dhaariyay Japhet Koome.
Waxay ka wada hadli doonaan xal u helidda falalka amni darro ee ka dhaca qaybaha caasimadda dalka.
Sakaja ayaa xilli uu shalay ku sugnaa xaafadda Dandora ee magaalada Nairobi waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda ka wacyi geliyaan ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyada.
Waxaa uu sheegay in cidii lagu helo fal dambiyeed laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.
Barasaabka Nairobi ayaa dhanka kale waratada iyo dadka darbi jiifka ah ka mamnuucay inay adeegsadaan buundooyinka ay shacabka ku gudbaan.