DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo booliiska ugu baaqay in aynan awood u adeegsan dibadbaxayaasha

0
381

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa cambaareeyay awoodda xad dhaafka ah ee ay ciidamada booliiska adeegsanayaan marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Xilli uu dhagax dhigayay dhismaha fagaaraha Kihumbuini Stadium ee xaafadda Westlands ayuu Sakaja sheegay in qof kasta oo kenyaan ah uu xaq dimuqraadi ah u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa ku aaddan waxyaabaha uunan ku qancin ee ay dowladdu waddo.
Waxaa uu tilmaamay in haddii dibadbaxayaasha aynan hubeysnayn oo ay dareenkooda si nabad ah u soo bandhigayaan aynan jirin sabab ay awood xad dhaaf ah ugu adeegsadaan saraakiisha ammaanka.

Sakaja oo sheegay in ay qasab tahay  in mar kasta la dhageysto aragtida dadweynaha ayaa  dhanka kale bogaadiyay  tallaabadii  ay dowladdu uga laabatay qaar ka mid  ah soo jeedinnadii ku xusnaa  hindise sharciyeedka maaliyadda.