Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqay inuu wada hadal nabadeed la yeesho dowladda oo uunan adeegsan dibadbax.
Sakaja ayaa kenyaanka ku boorriyay inaynan tixgelin baaqyada mucaaradka ee ku aaddan ka qayb galka mudaharaadyada.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa intaasi ku daray inuunan marnaba oggolaanayn in la burburiyo hantida qof ka mid ah dadweynaha ku nool Nairobi.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ka codsaday inay wada xaajood la sameeyaan mucaaradka maadaama laga soo gudbay xilligii siyaasadda oo sida uu hadalka u dhigay aan lagu kala guulaysan karin xawad garaac.
22-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii Raila Odinga uu dowladda dhexe u qabtay muddo 14 cishe oo ay hoos ugu dhigaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda haddii kale in guud ahaan wadanka ay ka dhigi doonaan dibadbaxyo waawayn.