Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa si adag uga hadlay go’aanka uu dowlad deegaankaasi uga mamnuucay in la soo geliyo, lagu dhex iibiyo sidoo kalena lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si kasta oo loo cadaadiyo ama loo cabsi geliyo uunan waxba iska beddeli doonin mowqifkiisa uu ugu daneynaya dadweynaha.
Barasaabka ayaa tilmaamay in shacabka Mombasa ay u soo doorteen inuu u adeego oo uu la dagaallamo waxyaabaha burburinaya noloshooda.
Waxaa uu cadeeyay in uunan dagaal kula jirin shakhsiyaadka qutul maalmeedkooda ka soo saara iibinta qaadka balse uunan marnaba garab siin doonin wax kasta oo saameyn ku leh nolosha dadweynaha.
Barasaabka Mombasa ayaa sheegay in la joogo xilligii laga gudbi lahaa fikradda takoorka ku saleysan ee la iska dhaadhiciyay ee ah in shacabka Mombasa hadii ay balwad waayaan ay mid kale isticmaalayaan.
Waxaa uu shaaciyay in sanadkiiba Mombasa qaadka Mogokaa lagu isticmaalo 7 bilyan oo shilin isagoo su’aal geliyay sida ay tani maangal ku noqon karto.