Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa walaac ka muujiyey in waalidiinta muslimiinta ah ee ku nool dowlad deegaankaasi ay intooda badan dayaceen mas’uuliyadda ka saaran inay carruurtooda ka ilaaliyaan isticmaalka maandooriyaha.
Waxaa uu waalidiinta ku boorriyay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda si aynan ugu lug yeelan balwadda .
Barasaabka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in meelaha ugu badan ee Mombasa ee lagu isticmaalo maandooriyaha ay yihiin goobaha ay muslimiintu ku badan yihiin.