Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay in guriyo la dhiso ilaa amar dambe.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin horudhac ah oo la soo saaray lagu sheegay in boqolkiiba 97 ee guriyaha la dhisaya aynan ansixin dowladda hoose ee Mombasa.
Guddoomiyaha ayaa qandaraaslayaasha iyo maalgashatada u qabtay muddo kama dambeys oo toddobaad ah.
Waxaa uu doonaya inay mar kale soo gudbiyaan naqshadooyinkooda iyo dokumeentiyada looga baahan yahay ka hor inta aan loo fasaxin inay guri dhisaan.
Barasaabka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbixinta ay caddeynaysa in boqolkiiba 67 ee guriyaha loo dhisaya qaab ka duwan sidii loo meel mariyay.
Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa arrin naxdin leh ku tilmaamay inay jiraan ilaa saddex guri oo dhismahooda la joojiyay balse weli gacanta lagu hayo.
Waxaa uu mulkiilayaasha guriyahan oo laga kala dhisaya xaafadaha Majengo King’orani, Old town iyo Likoni ka dalbaday inay toddobo cisho gudahooda isku soo xaadiriyaan.
Barasaabka Mombasa ayaa wacad ku maray in haddii mulkiilayaasha aynan go’aankan u hoggaansamin uu codsan doono amar lagu soo xiraya si loogu oogo dacwad ah inay halis gelinayaan nolosha shacabka.
MOMBASA SHALL BE A COUNTY OF GOOD ORDER
Barely one week after taking office, I signed Executive Order No. 3 of 2022 establishing a Taskforce to check on the compliance of buildings under construction in Mombasa County. pic.twitter.com/TAH6JYnbzv
— Abdulswamad Sheriff Nassir (@A_S_Nassir) November 18, 2022
The County Inspectorate Department is expected to strictly implement this enforcement directive without fear or favor. Mombasa must be a county of good order!
— Abdulswamad Sheriff Nassir (@A_S_Nassir) November 18, 2022