DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo dowladda dhexe ugu baaqay in dhisidda waddooyinka ay kala tashato ismaamullada

0
176

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa maamullada dowladda dhexe ee qaabilsan dhisidda waddooyinka ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka dastuuriga ah oo ay arrimahan kala tashadaan dowladaha ismaamullada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waddooyinka oo aan sida habboon loo dhisin ay saameynta ka dhalatay daadadka ku dhuftay Mombasa ka dhigtay mid ballaaran.
Barasaabka ayaa xusay in maamullada KENHA, KERRA iyo kuwa kale laga doonayo in dhisidda waddooyinka ay ka qayb geliyaan maamulka dowladaha hoose.
Waxaa uu dhanka kale xusay in dowladda dhexe aynan Mombasa ku wareejin lacago loo adeegsan karo la tacaalidda xaaladaha degdegga ah sida daadadka.
Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa intaasi ku daray in dhammaan deegaannada hoose ee Mombasa laga hirgeliyay 36 xarumood oo lagu diiwaangelinaya qoysaska ku barakacay fatahaadda sidoo kalena loogu qaybinaya cuntooyin iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah.
Waxaa uu xusay in la billaabay barnaamij gargaar loogu fidinaya in ka badan 3,800 oo qoys oo ay saameyn ka soo gaartay daadadka.