Barasaabka ismaamulka Mombasa sidoo Kalena ah hoggaamiye ku xigeenka xisbiga ODM Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa bogaadiyay wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya madaxweynaha dalka William Ruto, hoggaamiyihii hore ee qaranka Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore ee waddanka Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in wada shaqeyntooda ay keeni doonto midnimo iyo wadashaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowladda.