DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo ammaanay nidaamka dowlad wadaajinta

0
387

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Cali Xasan Joho ayaa sheegay in hannaanka dowlad wadaajinta ee Kenya ka dhaqan galay sanadkii 2013-kii laga dhexlay faa’iidooyin badan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay adeegyada caafimaad ee hadda laga fidiyo isbitaalka wayn ee xeebta oo uu ku tilmaamay kuwo tayaysan.
Cali Xasan Joho ayaa hoosta ka xarriiqay inuu xarigga ka jaray agab caafimaad oo aan laga helin gudaha wadanka marka la eega qaaradda Afrika laga helo keliya dalka Koonfur Afrika.

Dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu barasaabka Mombasa u yahay ku xigeen ayaa ku sugan gobolka xeebta halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaadanaya siyaasiyiinta .