Barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa sheegtay in qorshaha ay wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ay ku doonayaan in xilka ay ka xayuubiyaan uu mar kale fashilmi doono maadaama aynan haynin sabab ay xilka uga qaadaan.
Waxay sheegtay in mooshinka xilka looga qaadi rabo uu yahay mid ay ka dambeeyaan xisbiyo siyaasadeed oo aysan magacyadooda shaacin.