DHAGEYSO:Barasaabka Meru oo iska fogeysay eedeyn loo jeediyay

0
302

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Faith Kawira Mwangaza ayaa iska fogeysay eedeymo loo jeediyay oo ah inay si aan habboonayn u adeegsatay awoodeeda xafiiseed.
Waxay hoosta ka xarriqday in wakiillada golaha hoose ee ismaamulkasi ay ku howlan yihiin mucaaradnimo siyaasadeysan oo ay uga soo horjeedaan maamulkeeda.
Kawira ayaa intaasi ku dartay inay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay uga jawaabtay dhaliilo uu u jeediyay.
Waxay beenisay inay odaygeeda iyo gabdho la dhashay ay xilal u magacawday.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku doodaysa in shakhsiga gudbiyay dacwad la doonayo in xilka looga qaado uu yahay mid garab haysta.
Waxay wacad ku martay inay iska difaaci doonto eedeymaha sida ay hadalka u dhigtay siyaasadeysan ee loo soo jeediyay.

Thuranira Salesio Mutuma oo dacwadda gudbiyay ayaa u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha.
Mutuma ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay ilaa 11 qodob oo uu rumeysan yahay in loo cuskan karo xil ka qaadista Kawira.
Hoggaanka golaha hoose ee Meru oo dacwaddan qabtay ayaa sheegay inuu eegi doono qodobbada lagu saleeyay si loo guda galo geeddisocodka xiga.