DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo furay golaha saddexaad ee ismaamulkaasi

0
297

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u furay golaha saddexaad ee ismaamulkaasi.
Waxaa uu khudbad u jeediyay wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee Mandera.
Barasaabka ayaa sheegay inuu rajeynaya in xiriir wanaagsan oo waxtar leh uu ka dhexeya golaha xeer dejinta iyo laanta fulinta ee Mandera.
Waxaa uu sheegay in la joogo xilligii mas’uuliyiinta ay gacmaha is qabsan lahaayeen si ay u guda galaan u adeegidda bulshada.